Itoobiya oo ka digtay in Ciidamada Masar lagu soo daro hawlgalka Somaliya

Nebiyu Tedla oo ah Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia, ayaa u soo jeediyay QM in si taxadar leh loo xulo Ciidamada AUSSOM ee la geyn doono Muqdisho.

“Si looga fogaado isfaham la’aanta aan loo baahnayn iyo xiisadaha Gobolka ee lama filaanka ah, lana tixgeliyo go’aamada Golaha Ammaanka, waa in si taxadar leh loo soo xulaa Ciidamada ka qeybgali doona hawlgalka AUSSOM.”Ayuu yiri Afhayeenka.

Hadalkan,ayaa yimid kadib markii MW Masar sheegay in ay diyaar uyihiin ka qayb noqoshada Ciidamada Midowga Afrika ee Nabad ilaalinta loo gayn doono Sanadka danbe Somaliya.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya,ayaa Magaca laga badalay,waxaana la siinayaa awoodo cusub,iyadoo Wadamo aan horay ugu jirina kusoo biirayaan.

Masar,ayay ubadan tahay in ay dhanka Saadka kaga qayb noqoto hawlka,balse,waxaa khatartiisa leh hadii ay toos ugu soo darto Ciidan,taasoo keeni kartaa in loolanka Itoobiya iyo Masar udhaxeeya uu ka dhex qarxo gudaha Somaliya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading