Itoobiya oo ku khasabtay waxgaradka DDS in ay taageeraan damaceeda Badeed

Itoobiya in lala loolamo,waxay ubaahan tahay aragti fog iyo hogaan bisil oo haldoorka Bulshadiisa la tashta.

Sidoo kal Siyaasad aan caadifad ku dhisnayn oo lagu saleeyay baaraandag,fahan iyo xog ogaalnimo ayay ubaahan tahay iska dhicinta Itoobiya.

SL oo qayb ka mid ah Somaliya,ayaa Bad ugu yaboohday si ay ugu badalato aqoonsi ah in ay ka tagtay Somalida kale.

Somali Galbeed oo Itoobiya ku hoos jirta,ayaa haldoorkii Dhaqan lagu khasbay in ay ku faanaan Itoobiyaanimada oo ay difaacaan danaha Itoobiya.

MW fadhiya Villa Somaliya,waxaa horyaala arimahaas oo idil,wuxuuna maaraynayaa Shacab sidaa ukala qaybsan iyo Maamulo isdiidan.

Marka hogaamiyahaas uu qayb ka noqdo kala qaybsanaanta oo Qabyaalada hormuud unoqdo sidee layskaga celin karaa damaca Itoobiya?

Ma ku filan tahay Sharciyad Caalamiya,ayaan haystaa oo ku xakamaynayaa Itoobiya?

Caalamku xiliga uu marayo ilaalinta Sharciyada Caalamiga ah waa ku fashilmay,waxaana xaalku kusoo ururayaa awood loo jeedo oo lagaaga hamrado in aad leedahay.

Maanta,waxaa hogaamiye lagu tilmaami karaa midka keeni kara aragti Somalidu ku midowdo oo kawada aragto Dan.

 

 

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading