Itoobiya oo Safiir buuxa usoo dirtay Safaaradooda Somaliland

Jawaabtii ugu horaysay ee Itoobiya ay ka bixiso soo dhaweynta Masar ee DFS,ayay noqotay in ay SL usoo dirto Safiir buuxa oo Qunsuliyadoodii Hargaysa udalacsiiso Safaarad.

Sidoo kale Itoobiya talaabooyinkeeda xiga midkan ma cada.

DFS dagaalkeedu,waa dhanka Sharciyada caalamiga ah oo waxay Magacii SL ka tirtirtay Shirkadaha caalamiga ah,waxayna soo wadaa markale Laba Qodob oo kala ah….

1.In hay’adaha caalamiga ah aysan isticmaali karin SL oo badalkeeda ay isticmaalaan Gobollada Waqooyi ee Somaliya.

2.In ay Maamul KMG ah u aqoonsato Awdal State.

15-kii Bishan oo ay Itoobiya qorshaysatay in ay Muuse ku casunto Adis kuna dhawaaqdo aqoonsiga SL,waxaa ka hor istaagay Maraykanka oo si cad ugu hanjabay Laba arimood inay la kulmi doonto Itoobiya oo kala ah….

B.In QM ka fariisan doonto arinka Itoobiya markii ugu horaysay taariikhda.

T.In Cunaqabatayn lagu soo rogi doono Madaxda Itoobiya oo uu ugu horeeyo RW Abiy.

Masaaridu,waxay ogolaansho uga haysataa Maraykanka qorshahooda Somaliya,waxayna ka faa’idaysanayaan cadaadiska Maraykanku ku samaynayo Abiy oo diiday in uu Amxaarada ka joojiyo dagaalka.

Si kastaba ha ahaatee DFS,waxay ku Gacansayraysaa dhanka caalamka oo garab weyn ayay uga heshay dagaalkeeda ka dhanka ah Itoobiya iyo SL.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading