Itoobiya oo si weyn ucanbaaraysay Hubka Masar keentay Xamar

A picture taken on September 26, 2017, shows Abiy Ahmed, Chairman of Oromo Peoples' Democratic Organization (OPDO). Ethiopia's ruling coalition on March 27 elected as leader Abiy Ahmed, from the country's largest ethnic group the Oromo, paving the way for him to become prime minister, state media reported. / AFP PHOTO / Samuel Gebru

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya,ayaa ka digay in hubka la geeyey Somaliya uu kasii dari karo colaadda, loona weecin karo argagixisada,sida ay maanta ku warrantay Wakaaladda wararka ee Itoobiya.

Hadalkiisa ayaa yimid maalin kadib markii Markab laga leeyahay Dalka Masar uu hub culus ka soo dejiyay Muqdisho,taasi oo aheyd shixnaddii labaad oo hub ah muddo bil gudaheed, kaddib heshiis amni oo ay Soomaaliya iyo Masar kala saxiixdeen August.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske Selassie ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in saadka rasaasta ay bixinayaan “xoggagga shisheeye uu sii xumeyn doono ammaanka jilicsan, kuna dhammaan doono gacanta argagixisada Soomaaliya,” sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Itoobiya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar,ayaa xaqiijisay keenista hubka, iyadoo sheegtay in shixnaddan looga dan leeyahay in lagu taageero dadaallada Soomaaliya ee lagu xoojinayo ammaanka, la-dagaallanka argagixisada, iyo ilaalinta madax-bannaanideeda.

Wasaaradda,ayaa adkeysay in Masar ay ka go’an tahay in Soomaaliya ay ka caawiso sidii ay u dhisi lahayd awoodeeda ciidan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading