Jaaliyada Gotherberg Ee Sweden oo si weyn usoo dhawaysay weftiga MW Xigeenka PL

Sweden: 18 September 2024: Madaxwayne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey Caasimadda labaad ee Dalka Sweden ee Gotherborg.

Madaxweyne Ku-xigeenka oo safaro shaqo ku maraaya qaar ka mid ah wadamada Qaarada Yurub ayaa maanta gaaray Dalka Sweden waxaan si diiran halkaas ugu soo dhoweeyey Jaaliyadda Soomaaliyeed gaar ahaan Jaaliyadda reer Puntland ee Dalka Sweden.

Madaxwayne ku-xigeenka DPL ayaa waxaa safarka ku wehelinaya masuuliyiinta ka tirsan Dowladda Puntland, isaga oo kulamo la qaadanaya Jaaliyaddaha kala duwan ee Qaarada Yurub, Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ka Mahadceliyay soo dhawaynta diiran ee jaaliyada Soomaaliyeed u sameeyeen isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo waxaana uu ugu baaqay inay ka qaybqaataan horumarinta iyo maalgashiga dalka, inay ka qayb-galaan Siyaasadda Dowladdaha ay la nool yihiin iyo adkaynta xiriirka Dowladda Puntland iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Yurub

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND .

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading