Jaaliyada Somaliyed ee Nayrobi,gaar ahaan mida Jubaland,ayaa Qado sharaf usamaysay ay kusoo dhawaynayaan Wasiirka Shidaalka iyo Tamarta Jubaland Axmed Handal.

Soo dhaweynta kadib Wasiir Handal,waxuu warbixin ka siiyay Jaaliyada Xaalada Jubaland ee Amniga iyo horumarka.

Gaar ahaan Wasiir Handal,waxuu warbixin dhamaystiran ka siiyay Abaarta ka jirta xiligan Deegaamada Jubaland,isagoo ka codsaday in ay door ka qaataan gurmadka Dowladu wado ee Dadka loo fidinayo.

Handal,waxuu Imaaraadka uga qaybgalay Shirweynaha Petrolka ee Caalamka,ka hor imaanshihiisa Kenya oo uu kulamo kale oo muhiim ahaa kulahaa.

Qadada oo uu soo abaabulay Ganacsade Ibraahim Shiikh Maxamuud Mire,iyadoo uu kasoo qaybgalay Ra’isalwasaarihii hore Cumar Cabdiradhiid Cali Sharmarke.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.