Jabuti oo isku dayaysa dhexdhexaadinta Itoobiya iyo Somaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yusuuf,ayaa sheegay in Jabuuti ay diyaar u tahay dhexdhexaadinta Soomaaliya Iyo Itoobiya taasi oo ku aadan arrimaha badda.

Wasiirka oo la hadlayay wargeyska Al-sharqul Awsat ayaa waxa uu shaki galiyay suurgalnnimada in wadahadalada uu gar wadeenka ka yahay Turkiga ay guuleystaan.

“Runtii, Mowqifyada Labada Waddan ee ku aaddan fikradda ixtiraamka Madax-bannaanida iyo Midnimada Dhuleed waa mid aad uga fog midba midka kale,” isaga oo intaa ku daray in “xalku ku jiro mid ka mid ah Labada Dal oo ka tanaasula mowqifkiisa arrimahan”Ayuu yiri.

Wasiirka waxaa uu shaaca ka qaaday in dalkiisu “uu soo jeediyay dhexdhexaadin qarsoodi ah oo lagu xalinayo khilaafka”, balse wuu ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo, isagoo yiri: “daaha kama qaadayo si qorshahan uusan u guuldareysan ”.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading