Wakiilka Xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador james Swan oo ka qeyb-galaya Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa ka hadlay Arrimo ay kamid yihiin xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo khilaafka Dowladda & Jubbaland.
Amb. James Swan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xal loo helo Siyaasadda loo dhanyahay,isla markaana loo diyaar garoobo Wada hadalo ay yeeshaan Dowladda iyo dhinacyada kale.
Sidoo kale, Amb. James ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhameeyo khilaafkaas lagana gudbo su’aalaha ka dhashay Awood qaybsiga dhinaca Dhaqaalaha.
Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ayaa qaadacay ka qyeb-galeyn Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka socda Magalada Muqdisho, iyada oo uu weli jiro khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.