Jasiiradda Suqadra maxaad ka taqaanaa?

Halakaan waxaan kusoo bandhigayaa suqadara taariikhdeeda wixii aan ka arkay iyo wixii aan ka maqlay… Waxaana igu kalifay in aan wax uga iftiimiyo dadka soomalida ah oo inta badan ka haysta waxyaaba khaldan xaga tariikhdeedii hore …Sida gabayaa soomaliyeed horay u yiri (hal kaa maqan nin kuu mariyay waa magan ilaaheye )Suqadara waxa lagu qeexaa jasiiradii CARBEED ee quruxda badnayd ee juqraafi ahaan Africa ka go,day oo wadanka BAXRAYN kawaynayd dalka QADARNA barkiis ahayd dhul ahaan …

Suqadara dhulkeedu waxa uu dhan yahay 3652 KM`2 …………
Dadka suqadra waxa lagu sheegaa 65000 ilaa 55000 / oo qof .. qiimayntii ugu macquulsanayd sanadkii 2012 kii ee tagay ..
Suqadara waxa ay ka koobantahay 6 JAZIIRADOOD sadex ka mid ah waa lagu nool yahy sadexna laguma noola ama lama dagana jasiiradahaasu waxay kala yihiin kuwa soo socda :

Waxaan ka bilaabayaa dhinaca soomaliya kuwa soo xiga :
1. Kucaali fircoon
2. Cabddalla koori
3. Samxa
4. Darsa
5. Saabuuniyaad
6. Suqadara wayn

1.KUCAALI FIRCOON :

Waa laba buurood oo yar yar oo raasa casayr u jira (51 MAYL)..
Labadaa buurood dhexdoodu waxa ay isu jiraan wax ka yar (60 mitir)..
Waa marso gabasha yar leh oo ay isticmaalaan doonyaha yar yare e kuluumaysiga ee yamaniyiintu leeyihiin ..
Manaha meel ladagi karo oo nololi ka jirto…

2. Cabdala koori:

Waa jaziirada ugu dhaw soomaliya waxayna meesha ugu dhaw uga jirtaa raasa casayr (48 mayl) waa jaziirad khayraad badan xaga kaluumaysiga Waana jaziirada ay ku noolyihiin dad soomali ah oo ka soo jeeda magaa looyinka BAARGAAL iyo BAREEDA …

Dadka kunooli kama badna dhawr boqol oo qof waxa ay leedahay xoolo
Iyo ugaar aan badnayn waxa ay leedahy iskuul iyo saldhig boolis iyo xero ciidan badeed badanaa cidamada la keena waa cidamo ganaax lookeenay waxana lagu kala badala 6dii bilood ba mar Wxayna ku hadlaan dadkeedu afka suqadriga lakiin waa laga gartaa lahjad ahaan mar ka ay lahadlayaan suqadariyiinta kale oo wxaa lagartaa qof ahan in uu reer cabdala koori yahay biyaheeduna wa kharaar …

1945 waxa cabdala koori ku dhufatay duufaan dabayl xoog leh wadatay oo bur burisay guryihii iyo dhirtii waa wayneyd taas oo cabsi xoog leh galisay dadkii daganaa cabdala koori qayb ka mid ah dadkaas waxay usoo guureen magaalada caluula aad baa loosoo dhaweeyay dadka reer caluula soo dhawyn ka dib waxaa la dajiyay xaafad magaalada caluula ka mid ah oo lamagac baxday xaafadii REER XAMSAHA dadka reer xamsuhu waxay ahaayeen dad bada aad u yaqaan markiiba waxay la qabsadeen noloshii aad bay xafadoodu u wayneyd …

1960 markii xornimadii la qaatay ka dib waxay ku yeesheen laba xubnood oo golaha deegaanka caluula …
1969 markay dawladii malatariga wadanka qabsatay sanado ka dib dhalinyaradii reer xamsuhu waxay bilaabeen in ay kala aadaan cabdalla koori cumaan iyo imaaratka iyo yamen

3. Zamxa :

Jaziirada zamxa waxay u jirtaa jaziirada cabdala koori (24mayl) waa jaziirad marso ahaan ka liidata cabdala koori magaca zamxa ay labaxdana waxa u keenay dad kasoo guuray magaalo yar oo ku taala suqadar wayn oo magaceeda la yiraahdo zamxa waa jaziirad biyo macaan ugaar badan xoolo badana ay jogaan …
,malaha saldhig ciidan iyo iskuul toona waana ka dad yar tahy cabdala koori …
Waxaa oday ka ah nin la yiraahdo CABDLLA SAAQIM
Dadka reer zamxa iyo cabdalla koori waxay isaga mid yihiin in ay u xagaa baxaan intooda awooda magaalada QUZAYCIR ee dalka yamen ….

4. DARSA

Jasiirada darsa waxay u jirtaa jasiirad samxa (12 MAYL) waa jasiirad ka yar samxa laakiin ka marsa fiican samxa …

Waa jasiirad aan cidi ku noolayn waana jasiirad khayraad badan xaga kulumaysiga waxay leedahay dhul badan oo cawaari ah (SHALLOW WATERS)ama biyo gaab ……
Waana jasiirada lagu xantamo in batrool badani ceegaago sahamo ay samaysay dawlada yamen

5. SAABUUNIYAAD

waa laba buurood oo yar yar kana yar yar kuwii kucaali fircoon waxayna u jirtaa darsa (18 mayl) waa jasiirada ugu yar jasiiradaha suqadara mana aha meel marsa ah lakiin waxa ay ku fiicantahay xaga kuluumaysiaga gaar ahan kaluun qareedka markasta waxa aad ku arkaysaa gadiid badeed ka shaqaynaya waxay ku taala albaabka laga galo magaalada 2aad ee ugu wayn jasiirada suqadara ee magaceeda la dhaho GALANSIYA ama caasimad ku xegeenka suqadara …

5.SUQADARA WAYN

Jasiirada suqadara wayn waa saldhiga taariikhda jasiirada suqadara waana jasiirad aya xaku maysay 300 oo sano SALDANO lagu aasaasay gobolka MEHRA magalada KASHAN 1488m saladanaas oo usoo guurtay jasiirada suqadara markii ay dagaalo dhex mareen saldanooyin kale oo ka jiray gobolka XADRAMOWT qoyska xaku mayey suqadara waxaa lagu magacaabi jiray reer BIN CAFRAAR 1944 ayuu geeryooday CALI BIN SAALIM BIN CAFRAAR waxaa ka dhaxlay saldanadii oo gacanta ku dhigay oo u hayay nin qoyska reer binu cafraar ahaa intuu soo korayay wiilkiisi AXMED ABDULLAAHI waxuu saldanada hayay 1944_1951m
Waxaa saldanadii gacanta ku dhigay CIISE CALI BINU CAFRAAR 1951_1967 waqtigaas ayey dhamaatay saldanadii reer binu cafraar waana waqtigii ay ka xorowday dawladii ingiriiska yemantii koonfureed.

Halkan waxaan kusoo xusaynaa dhawr arimood oo kala ah:

1. XUKUNKII SULDAAN CIISE
2. Triikhda soomalida iyo suqadara
3. Dhaqanka dadka reer suqadara
4. Suqadara sida ay tahay hada

1. Suldaan ciise :

Suldaan ciise cali binu cafraar .. waxaa la oran karaa waa ninka suqadara wax ka badalay xaga nolosha iyo dhaqaalaha suldaan ciise marka uu xukunka qabsaday waxa uu bilaabay in uu suqadara magaalo magaalo u maro kana khudbadeeyo una sheego oo uu ku dhaho suqadara waa dhagax kataga dhagaxa oo usoo shaqaysta ,,
Suldaan ciise dadkii soomaalida ahaa ee arkay oo hada nooli waxay iisheegeen in uu suldaan ciise soomaalida aad u jeclaa soona dhawayn jiray suldaan ciise waxa uu sameeyay ciidan xoog leh isagoo gacan ka helaya gumaystihii ingiriiska.

Wuxuuna ka baqayay in kacdoon kaga kaco qabaaishii suqadara daganayd ee aan ahayn mehriga sida qabiilka la yiraahdo (GUXUUT) ciidamadiisu waxa ay ku heesi jireen (WAXAANU NAHAY MEHRI XUDUUDKANA WAAN ILAALINAYNAA XUKUNKA SULDAAN CIISENA SUULI MAAYO ) …
Lakiin waxa uu ku noqday eray gaf ah waana dhamaaday xukunkii suldaan ciise ,,,,

Suldaan ciise Waxa uu bilaabay in uu u safro wadamada khaliijka kana codsado in dadkiisa la soo dhaweeyo lana shaqasiiyo markii hore waxaa suqadara usoo safri jirey kaluumaysato reer imeraat ah kuwaas oo ka shaqaysan jiray SADAFKA ama dhagaxa luulka laga helo waxaa ka abuurmay suqadara jaaliyad reer imaraat ah kuwaaso gabdho ka guursaday suqadara markii saliida laga helay imaaraatka waxaa bilaamay in ay dadka reer suqadara u shaqa raadsadaan dalka imaaraatka carabta waxay ka heleen soo dhawayn fiican maamulkii uu madaxda ka ahaa sheikh said binu suldaan waxaa loo qoray askar badan hal mar oo gaaraysa 3000 oo askari dhamaantoodna waxaa lasiiyay dhalasho imaaraat ah waxaa layiraahdaa( qoys reer suqadara ah majiro ilaa wuxuu ku leeyahay imaaraatka qaraabo dhaw sida walaalkiis abtigiis adeerkiis habayartiis eedadiis iyo wixiii lamida oo haysta dhalasho imaaraates ah )..

2. TAARIIKHDA SOOMAALIDA IYO SUQADARA :

Soomaalidu marna ma xakumin suqadara dana kama lahayn sababtoo ah bada suqadara waa bad aad u kacsan sanadka oo dhan waxay xawaal tahay ama degantahay AFAR BILOOD IYO SHAN IYO TOBAN BARI sanadkiiba soomaalidii dariska la ahayd waxay haysatay bad degan xoolo badan maydi iyo waxyaabo kale ninkasta oo somaliya ma jeclayn in uu suqadara wax badan kunoolaado waayo nolosha soomaliya ayaa ka fiicnayd tan suqadara mana ahayn meel qofka soomaaliga ah laga sheegto wuxuu qofka soomaaliga ahi suqadara ku haystay ixtiraam wayn AHMED SULDAAN CIISE CALI oo ah ninkii ugu yaraa ee uu dhalo suldaan ciise AHMED SULDAAN CIISE waxa uu wax uu iisheegay in magaalada XADEEBOO caasimada suqadara ay soomaalidu kulahayd hadana taalo meel qabuuraad la dhaho qabuurihii soomalida oo ninka soomaliga ahi ku dhinto XADEEBOO lagu aasi jiray qabuurahaas …

1905 BOQOR CISMAAN waxa uu u dirsaday suqadara safiir magaciisa la oran jiray MAXAMUUD INDHAYARE oo ahaa nin reer baargaal ah maxamuud indhayare waxa uu ka ahaa markii hore naakhuude doon uu lahaa boqor cisman waxa uu ahaa nin uu aad u jecelyahay boqorku .. ..
Waxa uu ahaa nin luuqda carabiga aad u yaqaan boqor cismaan wuxuu kaga dayday safiirada awoowihii NUUR CISMAAN oo isagu bilaabay in uu safiiro u dirsado cadan iyo meela kale muhiimadu boqorku lahaa wxaxay ahayd laba arimood oo ganacsi oo kala ah :

1. Maraakiib badan ayaa xiligaas ku dagay suqadara badeecadahooda waxaa loo daad guureeyay dhulka carabta oo dhan sidaa darteed
Wuxuu rabay boqorku in ay kafaaiidaystaan dadkiisu uuna is fahamka la haado safiirku

2. In kaluunka la milxeeyo oo suuq ku lahaa ZINSIBAAR aysan gadan ganacsato reer zinsibaar kaliya ah ee ay kafaaiidaystaan dadkii boqorku xakumayay xiriirkaasna uu sameeyo safiirkii uu u diray suqadara MAXAMUUD INDHAYARE wana lagu guulaystay howshaas …

Waxaa laysheegay markii hore in uu maxamuud indhayare ka guursaday reer binu cafraar laakiin markaan suqadara tagay waxaan ogaaday in maxmuud indhayare uu degay magaalada GALANSIYA ee caasumada labaad ah waqtigaasna ahayd magaaladii ganacsiga …
Wuxuuna ka gursday gabar uu dhalay caaqilkii galansiya maxamuud indhayare waxa uu dhalay gabdho wuxuuna soomaliya kusoo laabtay 1929 ka dibna waxa uu ku noqday suqadara

3. DHAQANKA DADKA REER SUQADARA:

Dadka reer suqadara waa dad degan dhib yar furfuran soo dhawayn badan intaysan bilaaban burcad badeedku ninka soomliga ahi suqadara wuxuu kulahaa magac wanaagsan soomaalida waxay u yaqaaniin GEESIYAASHII WALALAHAYAGA AHAA waa hadaladey dhihi jireen dadka waqtiyadii hore dadka reer suqadara waxa ay ku hadlaaan af la yiraahdo AF SUQADARI mana aha af xikmad badan oo sugaan badani ku jirto waxa afka carabiga ugu horeeya marka ilmaha iskuulka lageeyo dhaqana uma laha nimcada soomaalidu haysato oo ah in ilmaha lageeyo malcamad quraan waa hawl hada bil bilaamaysa waxa hada bilaamatay dacwo diinaya oo ay wadaan dhalinyaro reer suqadara ah oo wax ku bartay machadyo islaamiya sida kan SHIIKHUL WAADICI waxaan ula jeedaa SHIIKH MUQBIL IBNU HAADI AL WAADICI oo ahaa allaha u naxariistee sheikh wayn oo daganaa magaalada SACADA ee dalka yeman dadka suqadarigu waa dad aan lakala garan kan lacagta badan haysta iyo kan saboolka ah waa isku mid islaweyni malaha …

4. Suqadara sida ay tahay hada :

Dadka reer suqadara dhaqaalahoodu kor ayuu u kacay dadka reer suqadara waxa dhaqaalaha u badan uga yimaada dibada taas oo ah dhaqaalaha ay usoo diraan dadkooda carabta degan gaar ahaan imaaraatka carabta waxay kaloo leedahay suqadara dalxiis wayn oo soo jiitay indhihii caalamka …..
Waxaa la yiraahdaa suqadara waxay leedahay in kabadan 2OO oo geed oo aan laga helin aduunka intiisa kale oo ku taal suqadara oo kaliya …
Geedka ugu caansan waxaa la dhahaa DAMU AKHAWAYN (dhiigii walaalaha ) waa geed sameeya xabag xabagtaasna waxaa isku qurxiya gabdhaha reer yamaneed geedkaas dadka suqadariyiinta ahi waxa ay ka aaminsanyihiin in uu yahay geedkii ay isku dileen haabiil iyo qaabiil waxayna dhahaan aduunku xalkanu ka bilawday waa sida ay aaminsanyihiin buuralayda reer suqadara dhirtaas badan oo suqadara ku taal anigu aad baan ula yaabay wax badanoo ka mida waligay ma arag waxaanse hubaa dhir badanoo dhulkeena ku taal in ay suqadarana ku taal gaar ahaan BUURTA SURAD BUURAHA CALUULE sida DHAXSI , BUURTA BAXAYA lakiin waxay u baahantahy in cilmi baaris lagu sameeyo ,,,,,

Intaysan bilaaban kacdoonada carabtu suqadara sanadkiiba waxaa imaan jiray 17000 oo qof (todoba iyo toban kun oo qof) suqadara casimadeeda XADEEBOO waxa ku nool dad lagu qiyaasay 10,000 ilaa 12,000 oo qof waxay leedahay secendry schools, waxaa hada farac jamacadeed ka furatay jamacada XADRAMOWT UNIVERSITY waxayna ku leedahay laba kuliyadood oo kala ah :

1. Kuliyada taclinta sare / qaybaha kalaha luqadaha : (luuqada carabiga, iyo luuqada engilishka ) (faculty of aducation )
2. Kuliyada shareecada islaamka (sharie and law ),,,,
Magaalada xadeebo waa magaalo aad u dhismaysa in kastoo oo ay leedahay xafado qadiimiya sida xaafad ay leeyihiin dad kasoo jeedA jasiira ZINSIBAAR waxaa ku yaala beero timireed badan dhaqankii hore ee suqadarana waxa uu ahaa in laga beero timir meeshii biyo lehba …
Waayo noloshaa adkeyd xiligaas timirtuna waxay ahayd muhiim…

Suqadara caasimadeedu waxay leedahay dekad yar oo ay kusoo xiran karaan markiiba laba doonyood oo midiiba aysan ka badnayn( 400 tons)
Inta badan badeecadu waxay uga timadaa wadanka imaaraatka carabta badeecadaha kala ah dharka raashinka qalabka dhismaha iyo waxyaabo kale …
Waxay leedahay hal garoon diyaaradeed oo layiraahdo (suqatra international air port) khamiis kasta waxaa ka timaada dubai diyaarad khaas ah asbuuc walbana waxaa la sameeya ilaa 8 duulimaad diyaradeed ah ,,,,

Suqadara waa laga cunaa qaadka wuxuuna leeyahay hal meel oo looga gado jaziirada oo dhan waana meel ka baxsan caasimada una jirta ilaa (20km) waxaana layiraahdaa magaceeda (MOORI) …..

Suqadara waxa ku badan gawaarida oo waxaad is oranysaa mar marka qaarkood dadka reer suqadara nin walba magaari buu leeyahay ….
Taasina waxay ku tusaysaa dhaqaalaha soo hagaagaya iyo laamiyada loo sameeyay …
Soomaali da ku nool suqadara hada waxay ku nooshahay caasimada suqadara XADEEBOO waana dad aan ka badnayn( 10 qof ) qaybtood waa makaanigiin qaybina waxay ku haysataa hanti ganacsi ……

Muhiimada qoraalkaygu waxa weeye dadka soomalida ah lagama lahayn suqadara iyo badeedaba lakiin hada waxaa bada suqadara maamusha dawlada yeman dawlada soomaaliya waxaa laga doonayaa in ay indho dheer u lahaato EEZONE ka soomaliya (EXCLUSIVE ECONOMIC ZONE ) ,,,,, dhaqaale badeedka ugaarka ah soomaaliya iyo badeeda …………….

By : Yaasiin Calasow Ismaciil


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading