Jen Cali Gaab oo markale loo magacaabay Talyaha Taraafikada Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa dib ugu celiyay Taliska Qeybta Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Jen, Cali Xirsi Barre (Cali Gaab), oo horay xilkan u soo qabtay.

Jen. Cali Gaab ayaa saddex maalin ka hor loo magacaabay xilkan, waxaana durbaba lagu arkay, isagoo labisan dharka Ciidanta Taraafikada, isla markaana taagan waddooyinka, isagoo amaro siinaya gawaarida kala duwan ee waddooyinka mara.

Taliye Cali Gaab ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin howl kar ah, waxaa uu horay isaga casilay xilka Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.

Ciidamada Taraafikada oo hoos taga Booliska Soomaaliyeed ayaa maalmahan lagu arkayay waddooyinka Muqdisho, iyagoo howl gallo ku jira.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading