Jeneral Asad Cismaan oo Dalka dib ugu soo laabtay

Jen Asad Osman Abdulahi oo caawa soo gaarey Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland,masuuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan Puntland ayaa soo dhaweyntiisa caawa ka qeyb qaatey.

Safar gaaban oo uu ku tagey wadamada Turkey, Kenya Iyo Imaaraatka carabta ayaa wuxuu shaley kasoo dagay garoonka diyaaradaha Bosaso,halkaasi oo loogu soo dhaweeyay.

Gen Asad Osman ayaa ah waqtigan siyaasiga ugu saameyta badan uguna da’da yar guud ahaan dhulka soomaalidu degto, wuxuuna hantey quluubta bulshada qeybaheeda kaladuwan.

Wuxuuna kulamo kala duwan la yeelan doonaa bulshada rayidka iyo masuuliyiin kala duwan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading