John McCain oo Geeriyooday

Senator John McCain ayaa lagu xasuusanayaa geesinimadiisa, wadani-nimadiisa iyo adeegii uu dalkiisa u qabtay.

McCain ayaa sabtidii shalay ku geeriyooday da’da 81 jir ka, ka dib markii ku dhacay kansarka maskaxda.

Madaxweyne Donald Trump ayaa boggiisa twitterka ku qoray inuu u tacsiyadeynayo qoyska Senator John McCain. Waxa uu yiri Qalbigeena iyo ducooyinkeena ayaa adinla jira!”

Aqalka Cad ayaa kala bar hoos u dhigay calanka si loo sharfo McCain.

Madaxweyne kuxigeenka maraykanka Mike Pence ayaa bartiisa twitterka ku qoray, “Karen iyo aniga waxaan u duceeyneynaa Senator John McCain, Cindy iyo qoysaskooda. Ilaahay ha barakeeyo dhammaan waqtigan adag.”

Madaxweynihii hore ee Barack Obama iyo Michelle Obama ayaa soo saaray warqad tacsi ah oo ay u dirayaan xaaskii McCain, Cindy iyo qoysaskooda.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading