Bosaso : 19 February 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Amar Madaxweyne kusoo saaray in la joojiyey Ajaaniibta Sharci la’aanta kusoo gelaysa deegaannada Puntland, waxaana la faray dhammaan Hay’adaha Dowladda ee ay khuseyso in ay ka hawlgalaan.
Ku: Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland.
Ku: Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland
Ku: Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland
Ku: Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland
Og: Hay’adda Socdaalka
Ujeeddo: Joojin Ajaanibta Degaanada Puntland soo gelaysa
Waxaa dhammaan Hay’addaha ay warqadani ku socota lagu wargelinaya in la joojiyey laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 19/2/2025, Ajaanibta aan haysan Sharciga Dal ku galka in aysan soo geli Karin gudaha Degaanada Puntland.
Haddaba, waxaa la idin farayaa in aad ka gudataan waajibaadka idinkaga aadan.
Fiiro gaar ah:- Waxaa lagu soo saari doonaa Xeer gaar ah oo lagu Maamuli doono Nidaamka Dal ku galka Ajaanibta soo gelaysa Degaanadda Puntland.
Fulin wacan.
Siciid Cabdullaahi Deni
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
-DHAMMAAD-
-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.