Jubaland,waxay soo gudbisay shuruudaheeda ku saabsan wada hadal dhexmara DFS,waxaana ugu muhiimsan Qodobadeeda……
1.In la qaado xanibaada Diyaaradaha.
2.In Mashaariicda la fasaxo.
3.In aan Gargaarka la siyaasadayn.
Axmed Madoobe si cad,ayuu ugu sheegay,Swan iyo Safirada in uu diyaar u yahay wada hadal oo uusan marna Albaabada xiran.
Safiiradu Xasan mar ay la kulmeen,wuxuu muujiyay in uu diyaar uyahay dhankiisa wada hadal,mase cadayn 100%.
Haatan markale ayay ku laabanayaan Xasan Shiikh.
Sidoo kale Swan,ayaa usocda Kismaayo Afarta Bisha danbe.
Ujeedka,waa in laga gudbo Ismari waaga Siyaasadeed si Amniga fashilmay loo badbaadiyo.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.