Jubaland oo bilowday hawlgal ka dhan ah Shabaab

Hawlgalka dib u xoraynta Deegaanada ka maqan Gacanta Dowlada JL,ayaa saaka bilowday.

Qorshaha hawlgalku,waa in la xoreeyo ilaa Badhaadhe.

Hawlgalkan JL,iyadaa isku tashatay mana jiro taageero ay ka helayso Nidaamka Xasan hogaamiyo ee haysta Shatiga aqoonsiga Somaliyed.

Sidoo kale Jubaland,waxay geli doontaa Doorashada Madaxtooyo Sanadkan gudihiisa.

MW Axmed Madoobe,waxaa horyaala Sadex Qodob oo hortabin uleh Dowladnimada JL….

1.Nidaamka oo wada gaara Dhulka Dastuuriga ah ee Jubaland.

2.Midaynta Canshuuraha Deegaanada JL.

3.Midaynta Ciidamada Deegaamada JL.

Guusha ay gaartay ilaa iyo hada Jubaland-ta jirtaa,waa in uu dhismay Qalfooftii nidaam oo dhamaan Beelaha JL iskawada dhex arkaan.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading