Jubaland oo Ciidamo kale dheeriya ku xoojisay Beledxaawo

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Cutubyo katirsan Ciidanka Darawiishta Jubbaland u dirtay Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Ciidankan oo ku hubaysan gadiidka dagaalka ayaa Xalay ku biiray Ciidamada Darawiishta Jubbaland ee ku sugan Magaalada Beledxaawo.

Hay’adaha amaanka Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamadan ay Xasilooni iyo daganaansho kusoo dabaali doonan deegaanadan oo maalmahii lasoo dhaafay ay ka jirtay rabshado iyo falal amaanka lid ku ah.

Ciidanka oo ka baxay magaalada Dhoobley ayaa sii maray deegaannada Diif, Gariiley, Ceel-Waaq kadibna waxay si nabad ah ku gaareen degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo si ay ugu biiraan ciidanka daraawiishta Jubbaland ee ku sugan gobolka Gedo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading