Jubaland oo dacwad ka gudbisay Dowlada Itoobiya

Jubbaland ayaa cabasho ka dhan ah dowlada Ethiopia u gudbiyay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay dalka Soomaaliya David Swan.

Qoraal uu ku saxiixnaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac ayaa lagu sheegay in dowlada Ethiopia ay ku soo xadgudubtay deegaano ka mid ah gobolka Gedo ayna ka qafaalatay mas’uuliyiinta illaa saddex degmo oo ka tirsan Gedo.

Maamulka Jubbaland ayaa ugaga digey Qaramada Midoobay in dowlada Ethiopia ay qorsheyneyso iyadoo ay gadaal ka riixeyso dowlada federalka in gobolka Gedo uu ku dhowaaqo inuu ka go’ay Jubbaland taasna ay cawaaqib xumo ka dhalan karta.

Halkan ka akhriso Dacwadaas oo English ku qoran


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading