Jubaland oo jab xoog leh gaarsiisay Maleeshiyada Alshabaab

Deegaamada Buulo-xaaji,Harboole iyo Biibi ee Jubaland ayay argagixisadu soo weerartay Xalay 3-dii Habeenimo.

Dagaal socday ku dhawaad Sagaal Saac,ayaa dhacay oo ugu danbayn argagixisada lagu jabiyay.

Ku dhawaad 150-Maleeshiyada argagixisada ah,ayaa lagu dilay dagaalka,kuwaasoo Maydkooda laga ururinayo goobihii dagaalku ka dhacay.

Sidoo kale,waxaa Gacanta looga dhigay Hub fara badan oo ubadan midka fudud ee yar-yar

Dhanka JL khasaaraha soo gaaray,waa…

1.Dhimashada 6-Askari.

2.Laba Gaari oo Gacanta argagixisada si khaldan ugalay.

3.Wasiirka Diinta oo Qarax kasoo gaaray dhaawac fudud.

Jubaland Xalay si adag ayay iskaga caabisay argagixisada kusoo weerartay ku dhawaad 400 oo Nin iyo Sadex Gaari oo Qaraxya ah fariisimaha Ciidamada ee Buulo-xaaji, Harboole iyo Biibi.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading