Jubbaland iyo FAO oo ka wada-hadlay Abaaraha

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Jubbaland ku qaabilay wafdi ka socday hay’adda cunada iyo beeraha ee (FAO).

Wafdigan oo uu hogaaminayey wakiilka Soomaaliya u qaabilsan hey’adda FAO, Etienne Philips, ayaa qaar kamid ah Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland ka dhageystay baahiyaha ka jira deegaanada Jubbaland, iyadoo intii uu shirku socday si weyn diiradda loo saaray sida ay muhiimka u tahay in abaaraha deegaanada Jubbaland ka jira wax badan laga qabto.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading