Laamaha Amniga dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa saakay waxaa ay degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose kusoo bandhigeen laba dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab,kuwaas oo ay sheegeen inay Ciidamada isku-soo dhiibeen.
Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee degmadaas ayaa waxaa ay sheegeen in labada Nin oo lagu kala Magacaabo Cabdi Casiis Maxamed Muxumed oo Al-Shabaab dhexdooda looga yaqaanay (Iidle) iyo Geedi Maxamed Cali ay xiriir la soo sameeyeen saraakiisha Ciidamada,isla markaana la soo dhaweeyay.

Cabdi Casiis Maxamed Muxumed oo ka mid ahaa ragga la soo bandhigay ayaa waxaa uu watay Qori nooca AK47, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in uu kala soo goostay Al-Shabaab.
Laamaha Amniga degmada Afmadow ayaa waxaa ay sidoo kale sheegeen inay soo dhaweynayaan cid kasta oo kasoo baxeysa Al-Shabaab, isla markaana xilligaan ay kuwo kale wadahadallo kula jiraan sida ay hadalka u dhigeen.
Warkaan kasoo baxay Haya’daha Amniga Jubbaland ee ku aadan inay isa-soo dhiibeen laba dagaalame oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab ayaana ilaa iyo hadda dhankooda aysan ka hadlin Al-Shabaab.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.