Jubbaland oo dib u dhigtay Xafladii Caleema Saarka Axmed Madoobe (Akhriso)

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday dib u dhigista Xafladii Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (A. Madoobe).

War ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in lagu wargeliyay wafuudii ka qeyb galeysay xaflada caleema saarka oo lagu waday inay dhacdo 26 bishan oo ku beegan berri in dib loo dhigay.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa ku eedeysay Xukuumadda Federaalka inay si sharci darro ah u hor istaagtau wafuudii ka qeyb geli laheyd Xaflada Caleema saarka oo ay ka mid yihiin Madaxweynayaashi hore ee dalka iyo xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka.

Lama sheegin waqtiga rasmiga ah ee la qaban doono Munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading