Jubbaland oo digniin u dirtay Madaxda DFS (Akhriso)

Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa  cambaareeyay  dhacdadii shalay loogu geystay garoonka diyaaradaha Muqdisho  Madaxweynihii hore ee dalka  kaasoo lagu xanibay Garoonka xilli uu kusii jeeday Magaalada Kismaayo.

Jubbaland ayaa sheegtay in  xanibaada iyo is hortaagga lagula kacay Sheekh Shariif ay tahay mid ka soo horjeeda shuruucda iyo Dastuurka dalka u yaalla, taasoo muwaadinka Soomaaliyeed xoriyad u siineysa inuu tagi karo, una safri karo meesha uu doono sida ku cad qodobka 21aad farqadiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka KMG ah.

Dhanka kale, Jubbaland ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeysan in maalmihii ugu dambeeyay lagula ka kacay Mas’uuliyiinta iyo Shaqaallaha maamulka Jubbaland falal ka baxsan Sharciga sidda Hanjabaad, Cunsuriyad iyo Xayiraado.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading