Jubbaland oo ka hadashay Howlgallo ay Ciidamadeedu ka fuliyeen J/hoose.

AFMADOW (IDIL NEWS)-Ciidamada Daraawiishta Dowladda Jubbaland ayaa Maanta waxa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Degaanada howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa ka mid ah degaanka Weel Maaro ee hoos yimaada degmada Afmadow oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxa ay Risaala u sheegeen in howlgalka inta uu socday lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab balse ay dib ka faah faahin doonaan.

Al-Shabaab dhankooda weli kama hadlin howlgalka saraakiisha jubbaland ay sheegeen inay xubno kaga dileen,hayeeshee dad ku sugan deegaano u dhow degmada Afmadow ayaa waxa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaas ay isku adeegsanayeen Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab.

Tan iyo makii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu Kismaayo kaga dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa waxaa jiray dhaq dhaqaaqyo ciidan ay wadaan Ciidamada Jubbaland,iyada oo Shabaab dhankooda ay qaadayeen weeraro ay kaga hortagaan howlgalkaas.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading