Jubbaland oo ka Jawaabtay hadal loogu gafay RW Rooble iyo Qoyska Ikraan Tahliil

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan ayaa waxaa uu sheegay inuu ka xun yahay hadal loogu gafay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo qoyska Ikraan Tahliil Faarax ee kasoo yeeray Guddoomiyaha degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu raali-gelin Umadda Soomaaliyeed ka siiyay hadalka kasoo yeeray Guddoomiye Cali Kadiye ee ahaa in Ikraan Tahliil aysan ka qiimo badneyn dowladnimada Somalia, isagoo halkaas ku sheegay inuu kasoo yeeray kuwa aan xilkaska ahayn.

“Waxaan ka raaligalinayaa umadda Soomaaliyeed hadallada ay ku hadleen kuwa aan xilkaska ahayn ee ay sida sharci darrada ah ay uwakiisheen shaqsiyaad kamid ah NISA oo ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Gedo” ayuu yiri Maxamuud Sayyid Aadan.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay dhammaan waxgaradka Gobolka Gedo, sida dhallinyarada, culumaa’udiinka, aqoonyahanka, haweenka iyo ganacsatadaba in ay ka jawaabaan gefka ay geeysanayaan kuwa ku dhex nool oo magacooda adeegsanaya.

“Waan hubaa Madaxweyne Farmaajo ay ceeb ku tahay arrintan, maadaama uu hadalka kasoo yeeray kuwii uu isagu u wakiishay gobolka si dastuurka iyo shuruucda dalka baalmarsan” ayuu kusoo gaba-gabeeyay Qoraalkiisa Maxamuud Sayyid Aadan.

Hadalka Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ayaa kusoo aaday, iyada uu Guddoomiyaha degmada Luuq sheegay in Ikraan Tahliil aysan ka qiimo badneyn dowladnimada Somalia, wuxuuna sheegay inuu qabo in Habarta dhashay Ikraan xataa Carabka laga jaro.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading