Taliska Hay’adda Nabadsugida dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay soo bandhigeen Nin ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,balse isku soo dhiibay Ciidamada Jubbaland.
Saraakiisha Hay’adda ayaa Ninka Magaciisa waxaa ay ku sheegeen Rayaan Shiikh Nuuur ,balse Shabaabka dhexdooda looga yaqaano (Abuu Xamsa),isla markaana uu ahaa madaxii u qaabilsanaa dhanka gaadiidka Gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiisha Nabadsugida Jubbaland ma bixin faah faahin intaasi dheer,hayeeshee ay sheegeen in Ninkaasi uu kamid ahaa mas’uuliyiinta Ururka Al-Shabaab ee ka howlgeli jiray deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose iskuna soo dhiibay Ciidamada Jubbaland.
Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin oo ku aadan Ninkaan ay soo bandhigtay Nabadsugida Jubbaland,kaas oo lagu sheegay in uu ka tirsanaa Xubnaha Sar sare ee Al-Shabaab.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.