Juxaa oo Duqa Bosaso iyo Waaciye ka reebay Golayaasha Deegaanka Ee dhismay

Shirkii Golaha Wasiirada Dowlada Puntland ee Khamiislaha ahaa Wasiir Juxaa,waxuu ka jeediyay Khudbad dheer.

“21-Degmo in Golahoodii Deegaanku dhismay,ayuu sheegay,waxuuna ka reebay Degmooyinka Dhismay Bosaso iyo Waaciye.”

Majirin cid ka dabahadashay,Wasiirro qaar isku dayay in ay ujawaabaana,waxaa aamusiyay M.Xigeenka Mudane. Karaash.

Dhanka kale,waxay xogo sheegayaan in Wasiiru-Dowlihii Wasaarada Arimaha Gudaha ee uxilsaarnaa fariisinta Golayaasha Deegaanka Bosaso iyo Isku-shuban Wasiir Juxaa ku amray in uu soo galo Garowe.

Sida muuqata Duqa Bosaso ee Shalay sida khasabka ah loogu wareejiyay Dukumiyiitiyadii Dowlada Hoose ee Bosaso mahaysto Sharciyad iyo aqoonsiga Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland.

 

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading