Kacdoon ka dhan ah degida Nayrobi Ee Somalida oo ka abuurmay Kenya

Shacabka Kenyanka,waxaa baqdin gelisay sida xooga badan ee Somalidu usoo degayso Wadankooda,gaar ahaan Caasimadooda Nayrobi.

Barnaamij laga sameeyay soo degida Nayrobi ee Somalida,ayaa lagu sheegay 2050-ka in Qof walba oo Somaliya Guri ku yeelan doono Nayrobi.

Dareen,waxaa ka dhex abuurmay Shacabka Kenya wata cunsuriyad oo oranaya “Somalidu Dhulkay naga qaadaysaa”.

Waa mida keentay in haatan la Maxkamadaynayo koox isticmaashay Social Media oo kicin waday.

Dareenka ugu weyn ee deg-deg ah,waxaa dhaliyay booqashadii Xasan Shiikh ee BBS Mall iyo tii Xamse.

Xulka Siyaasada iyo Ganacsiga Somalida,gaar ahaan Wasiirada iyo Xildhibaanada,waxay 80% Guryo ku leeyihiin Nayrobi.

66-da Xildhibaan ee Baarlamaanka PL 36-ka mid ah,ayaa Guryo ka iibsaday Nayrobi,waxaana xusid mudan Bishii lasoo dhaafay oo kaliya 18-Xildhibaan ay Guryo ka iibsadeen Nayrobi.

Sidoo kale,waxaa la mid ah kuwa Xamar ee DFS.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading