Kal-fadhiga Baarlamaanka Puntland oo Maalinkii Labaad galay

Garoowe: 26,October 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-Guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 46 Mudane ayaa lagu ansixiyey Ajandaha Rasmiga ah ee Kal-fadhiga 51-aad mudda uu socdo, sida uu qabo Qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, waxaana kala hormarinta Ajandaha Mudanyaasha u soo Gudbindoona Guddoonka Golaha Wakiillada maalinta berri oo ku beegan 27. 10.2022 haddii Alle Idmo.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading