Kalfadhiga 54-Aad Ee Baarlamaanka Puntland oo furmay

Garowe, June 15, 2024: Furitaanka Kal-fadhiga 54-aad waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka DPL Ilyaas Cismaan Lugatoor, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiilladda Mudane, Maxamed Baarri Shire, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Xubno kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukumadda, Golaha Garsoorka, Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, Guddiga Doorashada Puntland (PEC), Duqa Degmada Garoowe, Isimo, Cullimo, Hay’adaha Caalamiga ah, Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah, Saraakiisha Ciidamada, Hawl-wadeennada Madaxtooyada, iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray waxqabadka Baarlamaanka 6-aad ee dhinacyada Metelaadda, Xeer-dejinta, Korjoogtaynta hay’adaha Dawladda iyo kobcinta Awoodda Xafiis ee Golaha Wakiillada.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Denni oo Kalfadhiga furay ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah ka jeediyey Furitaanka Kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada, isagoona si rasmi ah u furay Kalfadhiga sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

-DHAMMAAD-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading