Kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo Maanta su’aalo lagu waydiiyay Wasiirka Cadaalada

Garoowe, Luuliyo 10, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta waxaa Golaha hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta, isagoo Golaha la wadaagay warbixin la xiriirta wax-ka-baddelka xeerka nootaayooyinka taas oo taabanaysa ujeeddooyinka xeerka, geedi socodka wax ka bedelka, baahida keentay wax-ka-baddelka iyo saamaynta dhaaqaale ee Xeerka, kasoo Goluhu ku samaynayey akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyey Wasiirka wax-ka-beddelka xeerka ee Golaha horyaal. Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa Goluhu ku wareejiyey Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Golaha Wakiillada si ay ugu sameeyaan akhriska labaad.

Dhinaca kale, waxaa fadhiga maanta Golaha hor-yimi Wasiir ku xigeenka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo hawl-wadeenno ka tirsan wasaaradda.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa Golaha la wadaagay warbixin la xiriirta Hindise-Xeereedka Sumadaha Ganacsiga Puntland, taas oo taabanaysa ujeeddooyinka hindise-xeereedka, geedi socodka uu soo maray, baahida keentay iyo saamaynta dhaaqaale ee ka dhalanaysa, kasoo Goluhu ku samaynayey akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyey Wasaaradda Hindise-xeereedkan oo Golaha horyaala, Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa Goluhu ku wareejiyey Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada.

-DHAMMAAD-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading