Fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Fadhiga maanta Ajandaha,ayaa ahaa ka doodista Hindise-Xeereedka Dugsiyada Quraanka Kareemka ee Puntland, ka dib soo jeedinta Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada DPL waxaa dib loo dhigay ilaa Kalfadhiga 47-aad ee Golaha.

Dhanka kalena, Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL,ayaa loo qeybiyay Xeerka Maaraynta Dhulka Magaalooyinka Puntland, xeerkan,ayaa horay waxaa Golaha ugu soo gudbiyey Golaha Xukumadda DPL, gaar ahaan Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka & Guryeynta.

Ujeeddoyinka Xeerka Maaraynta Dhulka Magaalooyinka Puntland,ayaa ah mid Fududeynaya helidda hab taabbo gal ah oo nidaam leh kaas oo lagu maamulo dhulka magaalooyinka dalka si ay u suurta-gasho horumarinta habka isku dhafan ee qorshaynta dhulka magaalooyinka, dhiirigelinta isticmaal waara ee dhulka iyo ilaalinta xuquuqda shakhsiga ee dhulka.

Jibril Qoobey.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.