Kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo si habsami leh usocda

Garowe, Juun 30, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxmed Baari Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Kal-fadhiga 54-ad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 55 Xildhibaan, ayaa Goluhu waxay warbixin ka dhegeysteen Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo gacanta ku hayey Miisaaniyadda 6-da bilood ee Dawladda oo Guddigu akhrinta 2aad ku sameeyey sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland, Qodobada 135aad, 136aad iyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobada 58aad Iyo 63aad.

Intaas kadib Golaha ayaa u balamay in dooda miisaaniyadda Golahu uu guda galo maalinta talaadada ee soo socota taariikhduna tahay 02/07/2024.

DHAMMAAD.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading