Garoowe: June 19 2021: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 48-aad Golaha Wakiillada DPL, waxaana fadhiga maanta soo xaadiray 45 Mudane.

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dhageysiga warbixinta Guddiyada Arimaha gudaha, Dawladaha hoose iyo horumarinta Reer miyiga iyo Guddiga Shuruucda iyo Caddaalada ee Golaha Wakiillada.

Warbixinta ayaa ku saabsanayd kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin, lana socdaan shaqooyinka ay dalka u hayaan.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.






Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.