Kanada oo Uu go’ay Intarnedkii

Dalka Canada waxaa go’ay adeegga mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee isgaarsiinta ee Rogers, taasi oo saameyn ballaaran ku yeelatay guud ahaan nolosha dadka.

Taleefannada ayaa istaagay isticmaalkooda, sidoo kale internet-ka guryaha iyo kan taleefanka ayaanan shaqeyneynin, taasoo ay usii dheertahay inaanan waxba lagu iibsan karin kaararka bankiyada.

Adeegyadaasi ayaa goor danbe dib u soo laabtay iyadoo ay shirkadda Rogers raalligelin ka bixisay in adeegyadeedii ay hawada ka bexeen, aynta taasi si adag u saameysay ganacsiyada iyo nolosha dadkaba.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading