Karaash iyo Abwaan Jibril oo Deni loogu geeyay Madaxtooyada

Karaash iyo Abwaan;waxay la joogaan Madaxweyne Deni haatan.

Madaxweyne Deni,waxa uu ka dhagaysanayaa cabashadooda oo ku aadan Laba arimood oo kala ah…

Karaash?

B.Lacag iskugu jirta Adeeg iyo Mushahaar oo ka maqan in la siiyo.

T.Xildhibaanada Dhulbahante in qayb ahaan lagu tixgeliyo.

Abwaan?

B.Lacag Adeeg iyo Mushahaar ah oo gaaraysa $580-kun oo ka maqan Baarlamaanka in la siiyo.

T.Siduu mar kale uheli lahaa Kursiga Xildhibaan ee uu ku fadhiyo oo uu san Deni caqabad ku noqon.

Kulankan,waxaa kasoo shaqeeyay Gudiga Amniga oo Shalay uu ka codsaday Abwaan Jibril in ay kulan siiyaan Madaxweynaha.

Sida aan xogaha ku helayo dhamaan cabashadooda Maadxweynuhu waa ufulinaya.

Kulanka Deni, Karaash iyo Abwaan,waxuu dhabar jab ku yahay Mucaaradka Hubaysan.

Sidoo kale,waxuu yimid xilli Xaruntii Baarlamàanka ay la wareegeen Gudiga Amniga,taasoo Abwaan bahdil dabcisay ku noqotay.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading