Karaash oo dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu darayo Wasaaradda deegaanka (VIDEO)

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu kordhinayo Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland, kaasi oo isugu jira Xafiisyo iyo xarunta Shirarka.

Munaasabadda dhaggax dhiga dhismahan cusub waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka , Beeraha iyo Isbedelka Cimilada, Madaxda Shirkadda Somali Build Construction oo dowladda kala shaqeynaysa fulinta dhismaha iyo marti sharaf kale.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading