Karaash oo u socdaalay magaalada Gaalkacyo

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Puntland Ahmed E. Osman Karaash ayaa u socdaalay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, halkaas oo uu berri ka furi doono tartanka kubadda cagta 9 gobal ee Puntland.

Madaxweyne Karaash ayaa inta uu ku sugan yahay Gaalkacyo kulan la qaadan doono maamulka gobalka, kan degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo uu kala hadli doono xoojinta amniga iyo hormarinta gobalka Mudug.

IDILNEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading