Kenya oo daawo yari wajaheysa

Kamamia Murichu oo madax u ah midoowga ay leehiyiin kooxaha dawada keena Kenya ayaa sheegay in xaalad dawo yari oo halisteeda leh ay kenya qarka u saarantahay kadib markii ay isfahmi waayeen doowlada iyo kooxaha dawada dibada ka keena.

Doowlada ayaa dooneysa in labo goor la baaro tayada daawada ka hor inta aan loo ogalaan in dalka gasho.

Doowlada Kenya ayaa la sheegay in ay India ku celisay labo kunteenar oo dawo ah .

Inkastoo Kenya ay ku yaalaan 35 shirkadood oo dawada soo saara hadana waxaa ay dadku aad ugu tiirsanyihiin dawada dibadda laga keeno iyadoo sanadkii la soo dhaafay ay kenya dibadda ka keensatay dawo qiimaheedu gaarayo 728 malyuun oo doolarka mareykanka ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading