Kenya oo dhisaysa Dowlad kale oo Sudan yeelato

Kenya,waxay Qayb ka noqotay Quwadaha Gacmaha kula jira Sudan.

Si cad,waxay uga Shaqaynaysaa burburinta Dowladnimada Sudan oo hadaba wiiqantay.

Wadankeeda,waxaa ka dhacaya oo waliba ku qabanaysaa xarunta Shirarka ee KCC Shir Mucaaradka RSF iyo xulafadoodu ku dhisanayaan Dowlad barbar taala mida QM aqoonsan tahay ee Khartuum.

Dowladaas,lagu dhudi doono Nayrobi,waxaa qorshuhu yahay in Galbeedka Sudan looga dhigo Xarun.

Waxay xoguhu sheegayaan Kenya in Quwado Dibada Qaarada ah ku riixayaan taageerada Mucaaradka.

Hab dhaqanka Kenya,waxay sii murginaysaa xaalka cakiran ee Bariga Afrika,waxayna Seenyaale udiraysaa in Wadamo kale oo Gobolka ah ay ka samaysmi karaan Dowlado iska soo horjeeda.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading