Kenya oo noqotay Saldhiga Siyaasada iyo Amniga Bariga Afrika

Ruto iyo Dalkiisa Kenya,waxaa lasoo saaray Taajka wakiilnimo ee R.Galbeedka,waxaana toos loo hooskeenay Bariga Afrika Amnigiisa iyo Siyaasadiisa.

Doorka Amniga,waxaa looga danbayn jiray Itoobiya oo Taajku saarnaan jiray,balse hogaaminta Abiy,ayaa hoos udhigtay oo gaarsiisay in Nayrobi la hooskeeno.

Somaliya oo awalba dhulka taalay,ayaa si toos ah hada loo hoosgeeyay Kenya,waxaana Ruto loosoo dhiibay fariin ku socotay Somalida,taasoo ahayd…

“Sida aan Kenya ula shaqaynayno,ayaan idinla shaqaynaynaa,lkn ogaada muhiimada Istiraatiijiga ah idinkaa leh ee Wadankiina ka shaqeeya”.

Ciidamada hawlgalkoodu bilaaban doono 2025,waxaa dhaqaale iyo Saadba ku taageeraya Maraykanka.

Sidoo kale Maraykanku,waxa uu rabaa in si dhamaystiran looga saaro Somaliya Ciidamada Itoobiyaanka ah.

Xasan ma’ahan hogaamiyihii Siyaasadan akhrin lahaa oo uga faa’idayn lahaa fursadaha Wadanka lana jaanqaadi lahaa isbadalada,isla markaana gaarsiin lahaa Somaliya in loola macaamiilo sida Kenya oo kale.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading