Kenya oo Somaliland la yeelanaysa xiriir Diblomaasi

Nayrobi,idil News.Dowladda Kenya,ayaa shaacisay in xiriir diblomaasiyadeed la yeelaneyso Somaliland

Dowlada Kenya,ayaa diyaarinaysa qorshe ay ugu magacaabayso wakiil cusub oo markii ugu horeysay Kenya u qaabilsanaan doona Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma,ayaa ku wargalisay Mr Philip Mundia Githiora oo ah Agaasimaha Wasaaradda inu u abuuro xiriir dublomaasi oo dhexmara Somaliland iyo Dowladda Kenya, islamarkaana uu diyaariyo halkii uu ku shaqeyn lahaa Wakiilka cusub.

Monica Juma wasiir Arime dibadeedka Kenya,ayaa sidoo kale kulan la qaadatay Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Cumar Baashe oo ay arintan ka wada hadleen.

Talaabadan ayay Kenya uga gol leedahay in ay cadaadis Diblomaasi ku saarto Dwolada Dhexe ee Somaliya,taasoo waayahan danbe uusan xiriirkoodu wanaagsanayd.

Kenya waxay noqon doontaa dalkii sadexaad ee Xiriir diblomaasi la yeesha Somaliland marka laga soo tago Itoobiya iyo Jabuti oo Qunsuladyo ku leh Hargaysa.

Dadka falanqeeya siyaasada geeska Africa,ayaa ku tilmaamay talaabadan mid ka dhalatay siyaasada aragtiad gaaban ay hagto ee Madxaweyne Farmaajo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading