Khabiir ku dhawaaday helidda daawada coronavirus oo lagu dilay Maraykanka

Khabiir dadaal ugu jiray helidda daawada cudurka safmarka ee coronavirus ayaa lagu toogtay dalka Maraykanka, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Maraykanka.

Bing Liu, khabiir dhanka baaritaannada daawooyinka u qaabilsanaa Jaamacadda Pittsburgh ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaala Ross Township, Waqooyiga Pittsburgh.

Jaamacadda ayaa Dr Liu ku tilmaamtay “cilmi baare heer sare ah” oo wax badan sayniska ku soo biiriyay .

“wuxuu ku dhawaa helidda daawada cudurka coronavirus, waxaana ku dadaalaynaa inaan dhamaystirno dadaalkii uu bilaabay.” Ayaa lagu qoray bayaan ay jaamacadda soo saartay.

Booliska ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan dhacdadaan..


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading