Khadiijo Diiriye oo loogu sameeyay Muqdisho Aas-qaran

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, Madaxda Qaranka, Wasiirro ka socday Jamhuuriyadda Jabuuti, siyaasiyiin, culamaa’uddiin iyo qaybo kala duwan oo ka mid ah bulshada,ayaa ka qaybgalay janaasada Allaha u naxariistee Marxuum Khadiija Maxamed Diiriye, oo shalay ku geeriyootay magaalada Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha,ayaa shalay joojiyay dhammaan howlihii shaqo ee uu u joogay dalka Jabuuti kadib geerida naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Wasiir Khadiija,waxa uuna magacaabay Guddi uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac oo usameeya aas Qaran Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading