Khadiijo M.Diiriye Oo ka hor timid qorshihii Madaxweyne Farmaajo

Mudanayaasha dooddooda ka dhiibanaya waxaa ka mid ah Khadiija Maxamed Diiriye, oo sidoo kale ah wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Shalay hadalkii ay jeedisay waxay ku soo qaadatay qodobo kala duwan. Qaar ka mid ah ayaan halkan idiinkugu soo gudbineynaa:

1-Sharciga doorashada”Waxaa lagu jiraa wakhti ay na hor yaallaan howlo aad muhiim u ah”, ayey hadalka ku billowday Khadiija oo ka hadashay fadhiga Baarlmaanka.

“Waa sharciga hadda ee doorashooyiinka ee laga hadlayo. Waxaan ognahay in sheekooyiinka suuqa ku jira (ay sjheegayaan) in aysan ku saleysneyn xuquuq qaanuuni ah. Laakiin waa iska hadallo fadhi-ku-dirir ah”, ayey tiri iyadoo tixraaceysay diidmada siyaasiyiinta qaar ee sharcigan doorashada ee laga doodayo.

Xeerkan waxaa soo diyaariyay guddi ka socday Baarlamaanka oo booqday maamul Goboleedyada, ka dibna u bandhigay baarlamaanka si ay uga doodaan.

Sida ilo ku dhow baarlamaanka ay sheegayaan, sharcigan wuxuu soo jeedinayaa qaabab ay suuragal tahay in loo qabto doorashada oo ay ka mid tahay sidii hore in lagu noqdo ama qof iyo cod in ay noqoto.

2-Qof iyo CodWasiir Khadiijo Maxamed Diiriye waxay tiri: “Waan ognahay in ergo iyo maamul Goboleed iyo cadaadis hore in aan soo marnay. Waan ognahay in aan isku deyeyno in qof iyo cod ay doorashada ahaato, haddana waxaan og nahay in qof iyo cod aysan dhici karin.

In shacabka ay soo doortaan xildhibaannada iyo madaxweynaha waxay ka mid ahayd qorshayaashii la filayay in dowladda hadda jirto ay hirgeliso, sida ay sheegayaan dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda.

Laakiin waxay sheegayaan in iyadoo weli dalka oo dhan aysan dowladda gacanta ku hayn in aysan suuragal ahayn in shacabka ay codeeyaan ama la sameeyo tirakoobka dadweynaha.

Iyadoo tixraaceysay haddallada la isla dhexmarayo, waxay wasiir Khadiija tiri: “Waxaan ognahay waxyaabihii horey loo soo arkay iyo isbedelladii dhacay qaabkii ay ahaayeen.

”Waxaanna sidoo kale ognahay waxa hadda na hor yaalla iyo qaabka ay u dhici doonaan oo aan isku deyeyno in doorashooyiinka hadda na horyaallo iyo in mashiinno loo keensaday iyo codad ku shubasho ah in ay dhici doonaan oo ah waxyaabaha lagu hadaaqayo”.

“Waxaa la leeyahay dalal badan ayey doorasho ka dhacday iyadoon la is tira koobin”, ayey hadalka ku sii dartay, iyadoo sheegtay in dastuurka uu si cad u qeexayo qodobka metelaadda deegaanka.

3-Dadka yaa matala?”Waxaa sharci ah wixii dadku ku heshiiyo”, ayey tiri xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye. “Maanta dadka yaa matala?” ayey hadalka ku sii dartay.

Waxay carrabka ku adkeysay in baarlamaanka labada Aqal ka kooban ee Soomaaliya uu yahay midka matala Shacabka.

“Guddiga madaxabannaan miyaa matala? Maya; Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka miyaa matala? Maya; Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa xukuumadda miyaa matala? Maya, Golaha garsoorka iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sarana ma matalaan”, ayey tiri Wasiir Khadiijo.

“Dalka waxaa matala 320 ka” xildhibaan, maantana meesha aad dalka dhigtaan buu yaallaa”, ayey tiri.

Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, waxay ka mid ahayd “shanti baarlamaan ee Soomaaliya soo maray, laga soo billaabo illaa dowladdii carto”.

Waxay sheegtay in mudaddaas Baarlamaankii oo jira laga tagayay oo madaxda ay qabanayeen shaqooyiin kale. Waxay tusaale u soo qaadatay dowlado lagu soo dhisay dalalka deriska ah iyo golayaal gudaha laga dhisay sida madashii qaranka.

“Ma maantana waxaan sugeynaa in Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Beesha Caalamka ay wax ku soo heshiiyaan?” ayey weydiisay xildhibaannada.

Maanta talada idinkey gacantiina ku jirtaa, waxaadna ku dhaarateen sida danta dalka ku jirto, waadna og tihiin in haddii cirka iyo dhulka la isku dhejiyo aanay doorasho dheceynin,” ayey tiri.

4-Muddo kororsi”Waxaan ognahay in waxyaabaha laga hadlaayo (ay yihiin) muddo kororsi iyadoo afka laga dhowrayo, oo ma dhihi karno ‘muddadaan kororsaneynaa”, ayeyn tiri Khadiija.

“Inaanay jinsiyad jirin, ‘yaa Soomaali ah?’, in aan tirakoob jirin, in aanay xisbiyo sharciyeysan jirin, in aydaan sharci u sameynin dowlad-goboleedyada sharciyaddooda ka hormaray, nidaamka federaalka iyo nooca la qaadanayo in aydaan ka hadlin.

“Waan ognahay in xuduudihii Soomaaliya aysan inoo qorneyn, waana ognahay in uusan amni ka jirin dalka, waan ognahay in dastuurkaas aan loo qaadin afti dadweyne. Sidaas daraadeed, hal-qof iyo hal-cod ma dhici karto”, ayey tiri Khadiijo Maxamed Diiriye.

Waxay intaa ku dartay: “Marba haddii aysan dhici karin, wixii dalka u dhacaayo waa in aad u sameysaan.”

“Miyeydaan qori karin; dalka shantaan sano ee soocota; qorshe cusub, heshiis cusub, heshiiska Muqdisho, waxaan doonno aan ugu magacdarno. Amniga intaa ayaa lagu sugayaa Federaalka intaa baa lagu sameynayaa, tira-koobna intaan baa lagu sameynayaa”.

-Doorasho la mid ah mid ka dhacday dalal kaleWaxaa jiro dalal aan dadkooda la tira koobin, sidoo kalena aysan intooda badan codeyn karin, balse inta codkooda dhiiban karta ay ka qeybgalaan doorashooyinka.


Waddanka Afghanistan, bulshada oo dhan qeyb kama ahan doorashada, balse waxaa codeeya kuwa ku nool deegaannada ay dowladda maamusho.
“Waxaa la leeyahay adduunka qaarkiis waxaa ka dhacay doorasho iyadoon tirakoob jirin. Adduunka doorashada ka dhacday miyaan la mid nahay?” ayey tiri wasiir Khadiijo.

“Kursiga Kismaayo miyaa la iska yeelayaa in Dayniile ama Howlwadaag lagu doorto?” ka dib waxaa u sacbiyay qaar ka mid ah xildhibaannada.
Iyadoo hadalka sii wadata waxay tiri: “Kursi Hirshabeelle yaalla miyaa la iska yeelayaan in Kaaraan lagu doorto? Oroteeshan wax lagu dooranaya miyaa jira? Miyaan tagi karnaa meelihii aan ka nimid?”

Waxay Sheegtay in meesha xigta ee dalka uu u jiheysanayo ay tahay arrin u taalla Baarlamaanka Soomaaliya oo aaney ahayn arrin laga sugayo madaxweynaha ama xukuumadda.

“Maantey taagan tahay waxaa la rabaa talo iyo arrin dhab ah; waxaa la rabaa talo aan meel ku saarno umadda waxa danta u ah”.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading