Tirada Dadka ku naf waayay weerarkii Hotel Xayaat ee Muqdisho,ayaa waxa ay gaartay 13-Qof, sida uu wakaaladda wararka AFP u sheegay taliye ka tirsan Ciidamada Amniga Xamar.

“Waxa aan helnay war ah in shan qof oo kale la xaqiijiyay in ay dhinteen taasi oo tirada guud ka dhigeysa 13-Qof oo rayid ah oo ku dhintay weerarka ay qaadday argagixisadu,” ayuu Maxamed Cabdulqaadir u sheegay AFP.

Sarkaslks,ayaa waxuu kaloo sheegay in la soo badbaadiyay Dad u badan rayid oo ku sugnaa Hotelka.
Sarkaalkan oo si hoose ula hadlay Wakaalada Wararka ee AFP,ayaa sheegay in Ciidamada ammaanku ku dhawaaqi doonaan marka howlgalka la soo afjaro.

Dhanka kale 20-Qof,ayaa ku dhaawacmay Hoobiyayaashii loo qaybiyay Xaafada Xamar Jajab,waxaana ku jiray Dadka khasaaruhu soo gaaray Qoys Aroos ahaa.

Waxaa kaloo khasaare dhaliyay mid ka mid ah argagixisada oo iska dhigay in uu ka mid yahay Ciidanka,kadibna Ciidankii iyo gurmadkii heeganka ugu jirey aruurinta Maydadka ku bilaabay rasaas.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo 7-Nin oo qaba Tuutaha Ciidanka ama ka mid ahaa Ciidankii hawlgalka ku jiray,ayaa ku biiray Argagixisada oo Xabad kula soo jeenstay Ciidanka.

Ilaa iyo hada Madaxweynihii,Wasiiradii amniga iyo Gudaha,Talyayaashii Booliska, iyo Sirdoonku kama hadlin waxa socda Shacabkana masiin faahfaahin iyo halka ay wax marayaan.

Wal-walka Dad badan ay qabaan,ayaa ah hadii,iyadoo Maalin cad ah gurmad ugalay Maleeshiyada Alshabaab ee gudaha Hotelka ka dhex dagaalamaysa,maxaa la filan karaa Caawa hadii laysla gaaro?


Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.