Khasaare xoog leh oo soo gaaray Ciidamada Jubaland

Ugu yaraan sideed askari ayaa geeriyootay kadib markii maanta barqadii miino dhulka lagu aasay ay la qaraxaday gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland.

Goobjoogayaal ayaa noo xaqiijiyay in gabi ahaanba ay gubteen gaarigii ay miinada la qaraxday, askartii saarnaa oo 8-askari lagu qiyaasay iyo hubkoodii.

Gaariga ay miinada la qaraxaday ayaa ka mid ahaa kolonyo baabuur ahaa oo ciidamada Jubaland ay leeyihiin, kuwaas oo marayay inta dhaxaysa magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobleey ee gobbolka Jubada Hoose.
Ciidamadan ayaa ka mid ahaa kuwa ka qeyb qaadanayay xaqiijinta amaanka Dhoobleey mudadii uu halkaasi ku sugnaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo xubno uu hoggaaminayay oo maalmahaan kulamo ku aadan arrimaha ammaanka iyo doorashada Jubaland la qaadanayay bulshada ku nool Dhoobleey.


Inta badan dhulka banaanka ka aha magaalooyinka ay ka arrimiyaan Ciidamada Jubaland waxaa ku sugan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab kuwaasoo xiliyada qaar Ciidamada jubaland la beegsada Qaraxyo Miino oo khasaare kala duwan dhaliaya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading