Khataraha soo wajahaya Geeska Africa”WQ.Daahir M.Jibril

Qormadan,waxay dul istaagtay xaalka Geeska Africa iyo khatartaha dul hoganaya.

Itoobiya?

Gobolka Tigreega kama taliyo Maamulka Abiy,kaliya Maamulka Tigreega Xubno ka mid ah,ayaa ku xiran Adis-ababa.

Deegaanka Amxaarada,intiisa badan,waa ka baxay Gacanta Maamulka Abiy,waxaana dhici karta in Caasimada Adis laysla soo galo.

Waxaa jira xogo sheegaya Amxaarada,Tigreega iyo Eretereya oo wada socda in ay duulaan kusoo qaadayaan Adis-Ababa.

Wararku,waxay intaas ku darayaan in Abiy udiyaar garoobayo uguurista Nasireed hadii uu Adis difaaci waayo oo halkaas uu kasii wado dagaal Qowmiyadeed oo Oromadu ku taageerayso.

Somaliland?

Doorashada ay ka harsan tahay 30-ka Casho,waxaa laga muujinayaa walwal weyn oo ah in Muuse ku shubto,taasoo dhalin karta dagaal laysku riiqmo.

Wararka la helayo,waxay sheegayaan in Muuse la kulmay Abiy Todobaad ka hor oo uu kasoo helay ballanqaad taageero dhan walba ah kulana taliyay in uusan tagin.

Xamar DFS?

Mudo xileedka sii dhamaanaya ee Maamulka Xasan iyo qorshe xumida jirta,waxay muujinaysaa jiho la’aan Siyaasadeed iyo mid Amni.

Shirkii ugu danbeeyay,waa fashilmay oo natiijo kama soo bixin.

PL horay ayay ukala tageen Maamulka Xasan.

Beelaha Muqdisho si weyn ayay udiidan yihiin Xasan iyo Qorshihiisa,waxaana jira diyaar garow ay Siyaasiyiintu uqalab urursanayaan ka hor tagida damaca Xasan.

Qormadan,waxay xaalka Geeska ka muujisay mid cakiran oo si buuxda ugu sii siqaya Colaado iyo Burbur baahsan.

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading