Khatarta Deegaanka kusoo fool leh iyo dhooohsanaanta Madaxweyne Mustafe!!

Magaciisu waa Cadnaan Daahir gacanyarihii Madixii Sirdoonka milatariga itoobiya u qaabilsanaa Somaliland Magaciisuna Ahaa Tashome Gidhay,sidoo kale waa maamulilahii Geedka isku Qarinayay Ee Admas University College–Hargaysa,isla markaana sifiican ula shaqayn Jiray Taliyiihii Sirdoonka Gobolka Maroodi Jeex Ama Waqooyi Galbeed ee magalada Hargaysa Magaciisuna Ahaa Muxsin Iyo Madaxii Baadhista Sirdoonka Somaliland Cabdikiin.

 

 

Cadnaan Waa Nin aad U Neceb Beesha Ugadeen Gaar ahaan Reer Cabdile,waana Ninkii ka danbeeya calooda fogaatay ee dhexmartay beelaha Reer Cabdille,gaar ahaan Cali wanaag iyo beesha Shiikhaal reer Awqudub ee degmada Raaso.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar,ayaa talaabo ka qaaday ilaa uu ka cararay Deegaanka una baxsaday Hargaysa Somaliland,balse muusan joojin in uu sii huriyo colaadaas iyo isir nacaybkii.

Maanta in sid eg-deg ah uu Madaxweyne Mustafe usoo dhawaysto kuna casumo Jigjiga waxay fariin khaldan udiraysaa beesha reer Cabdiile,waxayna khatar ku tahay ilaalinta danaha masiiriga ah ee Deegaanka.

Madaxweyne Mustafe waxuu shalay ugu tagay fadhigooda Beesha Jaarso oo uu raaligalin ka siiyay waxa uu ugu yeeray dhibaatooyin uu ugaystay maamulkii Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar,sidoo kale waxuu ururinayay oo isku wareejinayay maalmahan siyaasiyiin ka fog danaha deegaanka iyo ilaalinta arimaha muhimka ah,isla markaana caan ku ah isir nacayb fogaaday.

Ilaa iyo hada Madaxweyne Mustafe agtiisa ama jaalkiisa laguma hayo hal siyaasi oo u dhashay beesha Daarood oo ah beesha ugu badan ee degta Deegaanka uguna saamaynta badan isaguna uu kasoo jeedo.

Waa tusaale kale oo muujinaya khatarta soo socota iyo dhoohsanaanta Madaxweyne Mustafe.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar waxuu ahaa masuul dhiifoon si hoosana ula socda xaalka iyo waaqiciga siyaasada geeska,isla markaana ficil badan go’aan qaadashana leh

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading