Khayre oo sii laba jibaaray carqaladaynta shirka muhiimka ah Ee Garowe!!

Garowe,ayaa loo fadhiyaa in Somalidu isku soo dhawaato horayna usii socoto.

Balse Muqdisho waxaa ka socda hadafkaas mid ka duwan oo waxaa laga hurinayaa sii kala fogaansho Somaliyed.

Todobaad ka hor ayay ahayd markii lagu dhawaaqay shirka Garowe,waxaana durba diiba bilowday qabanqaabadiisii.

Khayre oo usoo socdaalaya Garowe si uu uga qaybgalo shirka,ayaa Golaha Wasiirada Dowlada Dhexe horkeenay sharciyo uu ku sheegay doorashooyinka iyo Batroolka.

Golaha Wasiirada ee aan Wax badan ka diidi karin Khayre,ayaa si fudud u ansixiyay sharciyada uu watay,waxuuna horay ugu soo qaatay waraaqihii sharciyadaas.

Durbadiiba waxaa ganafka ku dhufay Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka oo ku tilmaamay sharciyadaas kuwo Dastuurka baalmarsan.

Way iska cadayd ujeedka laga lahaa oo waxay ahayd in lagu carqaladeeyo shirka garowe,waxuuna Khayre ka dhiganayay Wax uu la hortagi karo Somalida ka niyad jabsan hogaamintiisa labada sano iyo barka ah.

Hadaba iyadoo doodaas ay taagan tahay shirkii garowe loo fadhiyo,ayuu markale Khayre carqaladisii sii laba jibaaray waxuuna sharciyadii dastuurka baalmarsanaa ugudbiyay Baarlamaanka gudoonkiisu u adeego danaha kooxda Nabad iyo Nolol.

Waxaa muuqata in khayre khatar xoog badan kusii noqonayo dib usoo kabashada Qaranimada soo liicaysay ee Somaliya.

Madaxweyne Farmaajo maalinba maalinta kasii danbaysa waxaa soo if baxaysa tahli la’aantiisa hogaaminta dalka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading