Kheyre oo gaaray muqdisho & mooshin ka dhan ah Farmaajo

Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre, oo diyaarad khaas ah kasoo qaatay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa goor-dhaweyd gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka.

Safarka Kheyre oo ahaa mid deg deg ah ayaa yimid, kaddib markii guddoonka golaha Shacabka ay shaaciyeen in kalsoonidii lagala laabtay Xukuumaddiis.

Dhinaca kale waxaa Muqdisho ka socda abaabulka kulan looga soo horjeedo xil ka qaadistii ay sheegayn guddoonka golaha Shacabka, kaas oo ay wadaan Xildhibaan u badan golahiisa Wasiirada.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading